Home / Dhaqaale / Bilyaneerada Caalamka oo sii hodmaya
Maal-qabeeno

Bilyaneerada Caalamka oo sii hodmaya

Himilo – Sida ay baahisay hay’adda samafalka Oxfam waxaa korortay hantida ay sameeyeen tobanka nin ee ugu hantida badan caalamka.

Bilyaneeradan oo faa’iido ka sameeyay cudurka Covid-19, ayaa wadarta hantidoodu gaartay $11.95 tirilyan oo doolar intii u dhaxeysay 18-kii Maarso illaa 31-kii December sanadkii tagay ee 2020.

Kahor sanadkii tagay isku darka hantidooda ayaa ahayd $3.9 tirilyan. Oxfam ayaa sheegeysa in hantida ragan bilyaneerada ah ay saboolnimada ka saari karo dadka faqriga ah ee ku nool caalamka.

Hantidooda waxay u dhigantaa lacagaha dowladaha ku horumaray warshadaha ee ku bahoobay G20 ay u qorsheeyeen la dagaalanka cudurka Covid-19, taasi macnaheeda ayaa ah i dadyowga ku nool dalalkaasi ay u iibin karaan tallaal wada gaara.

Shaqsiyaadka sii hodmay ee la xusay waxa ka mid ah  aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos, bud dhigaha Tesla Elon Musk iyo milkiilaha  Facebook Mark Zuckerberg.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan