Home / Madadaalo / Bisad ka baxsatay xabsi lagu hayay

Bisad ka baxsatay xabsi lagu hayay

Himilo – Mukulaal ku eedeysaneyd danbi ah safrinta daroogo ayaa la wariyay inay ka baxsatay xabsiga ugu wayn dalka Sri Lanka, halkaas oo ay ku xirneyd.

Inkastoo mas’uuliyiinta xabsiga ka hadal dhacdadan, hadana sida uu faafiyay warsidaha Aruna, mukulaasha ayaa ka baxsatay qol gaar ah oo ay kaga xirneyd xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Welikada.

Waaxda Sirdoonka Srilanka ayaa bisadda dhigtay xabsiga, kaddib markii la qabtay iyada oo qoorta loogu xiray boorso ka sameysan balaastig.

Waxaa boorsada dhexdeeda laga helay laba garaam oo darooga nooca loo yaqaano heroin, laba Simi card iyo memory card.

Dowladda Srilanka, ayaa la daalaadhaceysa dagaalka ay kula jirto daroogada, iyadoona todobaadkii hore ciidamada boliisku qabteen Gorgor lagu eedeeyay inuu u adeegayay koox tuugo ah oo doonayey in waxyaabo maanka dooriya galiyaan gudaha Colombia.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan