Himilo – Brighton & Hove Albion ayaa lagu warramayaa in ay doonayaan la saxiixashada weeraryahanka Manchester United ee Daniel James weliba si amaah ah.
23 sanno jirkaan ayaa keliya seddex ciyaarood Red Devils u saftay horyaalka Premier League inta lagu guda jiro ololahaan.
Leeds United ayaa lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo, laakiin laacibka qaranka Wales ayaa go’aansaday in uu iska sii joogo kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer.
Sida ay ku warrameyso The Sun, tababaraha Brighton ee Graham Potter, kaasi oo xiddigan kula soo shaqeeyay naadiga Swansea City, ayaa laacibkan u arka mid ku habboon in uu lasoo saxiixdo.