Home / Arrimaha Bulshada / Caruus u gacan qaaday sawir qaade u soo dhawaaday caruusaddiisa

Caruus u gacan qaaday sawir qaade u soo dhawaaday caruusaddiisa

Himilo – Sawirrada xafladaha aroosyada waxay noqdeen caadaleyd joogto ah. Halka sawir qaadayaasha ay isku hawlaan sidii shaqadooda ay ugu qaban lahaayeen sida ugu wanaagsan.

Waxay ku dedaalaan sidii ay u qaban lahaayeen sawirro xasuus ka reeba maalinta weyn. Caruuska iyo aroosadda ayaa habab kala duwan looga qaadaa sawirada.

Muuqaal aan la xusid taariikhda la duubay ayaa lagu muujiyay lammaane masrax jooga oo sawirro laga qaadayo. Balse wax yar ka dib caruuskii ayaa u gacan qaaday muuqaal duubihii.

Sababta uu ugu gacan qaaday wuxuu ku sheegay inuu aad ugu dhawaaday aroosadda markii uu sawirayay. Dadka badan ayaa arrintan baraha bulshada aad uga faalooday.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan