Home / Caafimaad / Caruus xabsiga la dhigay xafladiisii aqal-galka kadib

Caruus xabsiga la dhigay xafladiisii aqal-galka kadib

Himilo – Boliiska magaalada Ras Al Khaimah ee waqooyiga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xabsi dhigay aroos cusub, markii uu dhigtay xaflad aqal-gal ah.

Waxa uu wajahayaa eedeyn ah inuusan raacin hab-raacyada loo dajiyay la dagaalanka Feyruska Corona iyo inuu baraha bulshada dhigay muuqaalaha arooskiisa, taas oo kalifi karta in dad kale u daydaan.

Waxey sheegeen boliiska in wiilkan arooska ah la marin doona dhammaan shuruucda lagama maarmaanka ah.

Waxaa hadda baqdin qabaa xaaladda martidii ka qeyb galay xafladaasi arooska ah,kuwaas oo aanan laga war hayn.

Badi dowladaha caalamka ayaa dejiyay habraacyo lagu xakameynayo isdhexgalka bulshada,si looga hortago in xanuunka COVID-19 uu ku fido mujtamaca dhexdooda.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan