Home / Madadaalo / Carwo ku taalla Texas oo raadineysa tuke ka baxsaday
Tukaha la raadinayo

Carwo ku taalla Texas oo raadineysa tuke ka baxsaday

Himilo – Carwo Texas ku taalla waxay dadweynaha weydiisanaysaa inay la baadi goobaan tuke ka fakaday xarunta intii ay socdeen kulamadii lagu tababarayay.

War ka soo baxay carwada Dallas ayaa lagu sheegay in tukaha la carbinayay balse hawsha oo socota uu ku dul duulay dhismo ku yaalla Dallas.

Maamulka carwada ayaa dadweynaha la wadaagay astaamaha tukahan lagaga garan karo kuwa kale, waxay sheegeen in xabadka uu ku leeyahay midab cad.

Carwada ayaa qof kasta oo arka weydiisatay inuu la soo xiriiro kooxda qaabilsan beddelkii uu isku dayi lahaa inuu isagu qabto tukaha la raadinayo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan