Gegada Banaadir ee degmada Cabdi Casiis ayaa maanta si toos ah looga furay cayaaraha gobollada dalka Soomaaliya oo caasimadda lagu qabanayo kaddib 25 sano.
Madaxweynaha dowladda federaalka Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa cayaaraha daah rogay oo baasay, xilli garoonka ay boqolaal taageerayaal ah ku sugnaayeen.
Masuuliyiin badan ayaa ku sugnaa cayaartii furitaanka oo uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan, waxaana kamid ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiska, Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Taliyaasha ciidamada booliska iyo nabad sugidda, Guddoomiyaha cayaaraha gobolka iyo masuuliyiin kale.
Kulanka koowaad ee galabta dhacay ayaa dhexmaray xulalka gobolka Banaadir iyo gobolka Koonfur Galbeed.
Wiilashii ku cayaarayay magaca gobolka Banaadir ayaana kala dhantaalay kuwa maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Xasan Cabdulaahi Sheikh oo lanbarka 10aad xirta ayaa hogaanka u dhiibay gobolka Banaadir kaddib kubad rogaal celis aheyd.
Inyar kaddib wiilka lanbarka 7aad Liibaan Xasan Cusmaan ayaa kubbad qurux badneyd hogaanka ugu dheereeyay gobolka Banaadir inta aanu goolka saddexaad dhallin Axmed Cabduqaadir.
Qeybtii hore ayaana lagu kala maray 3-0 oo hogaanka looga hayay Koonfur Galbeed, hayeeshee qeybtii labaadne waxba isma bedelin oo cayaarta ayaa sii ahaatay mid hal dhinac ah.
Axmed Cabduqaadir iyo Maxamed Cumar Abuukar ayaana labo gool oo dheeri ah u sii dhaliyay gobolka Banaadir si cayaartu ay ugu dhamaato 5-0.
The mutagenic potential of hydroxychloroquine was not evaluated buy priligy in the us Zvereva AS, Golyaev V, Turco S, Gubaeva EG, Rajeswaran R, Schepetilnikov MV, Srour O, Ryabova LA, Boller T, Pooggin MM 2016 Viral protein suppresses oxidative burst and salicylic acid dependent autophagy and facilitates bacterial growth on virus infected plants
Proviron can treat low testosterone levels caused by steroid use, but athletes often take it instead of testosterone to prevent the suppression of natural testosterone production that is associated with steroid use where can i get cheap cytotec without prescription Use low initial doses and increase the dose gradually see CONTRAINDICATIONS, WARNINGS AND PRECAUTIONS