Wiilkii hore ee kooxda kubadda cagta Chelsea Ramires ayaa weerar ku qaaday garsoore kaarka cas siiyay kulankii kooxdiisu guuldarro 2-1 ah ay kasoo gaartay kooxda Shandong.
Wiilka qadka dhexe uga cayaara xulka qaranka Brazil iyo kooxda Jiangsu ayaa garsoorihii cayaarta u soo fakaday si uu u feero dhammaadka kulankan markii kaarka cas loo siiyay kaddib falfal xumi uu ku dhaqaaqay.