Home / Cayaaro / Danny Ward oo qalinka ugu duugay heshiis cusub Leicester City

Danny Ward oo qalinka ugu duugay heshiis cusub Leicester City

Himilo – Leicester ayaa ku dhawaaqday in goolhaye Danny Ward uu heshiis cusub u saxiixay kooxda kaasoo ku eg 2025.

27 jirkaan reer Wales ayaa 14 kulan u saftay Foxes, dhamaan tartamada koobabka, tan iyo markii uu kaga soo biiray Liverpool 2018.

Ward ayaa u sheegay LCFC TV: “Runtii waa dareen wanaagsan. Runtii waxaan dareemay dareen wanaagsan markii ugu horaysay ee aan saxiixay, nasiib wanaagna, waxaan awoodnay inaan si wadajir ah u korno koox ahaan runtii aad ayaan ugu faraxsanahay waxa soo socda.

Xitaa waqtigeyga yar ee aan halkaan joogo, waad arki kartaa dhanka tas-hiilaadka kaligood, tallaabada kor loo qaaday waxay ahayd mid cajiib ah

Guulihii aan ka gaarnay horyaalka sidoo kale, waxaan ku soo jirnay hal-abuurnimo Yurub ah, sidaas darteed tallaabo-tallaabo ayaan ugu soconeynaa jihada saxda ah, ka ciyaaryahan ahaaneedna, inaan ka qayb-galno taas runti waa mid xiiso leh. Ma sugi karo inaan arko waxa inagu soo food leh. ”

Ward, oo heysta 12 kulan oo waa weyn, ayaa shan jeer u ciyaaray Leicester ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan labo jeer  oo Europa League.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan