Home / Daraasad / Daraasad: Dadka cuna khudaarta waxey u nugul yihiin lafa jajab

Daraasad: Dadka cuna khudaarta waxey u nugul yihiin lafa jajab

Himilo – Dadka inta badan cuna khudaarta ay ku yar tahay maadada kaalshiyaamta waxey 43% khatar ugu jiraan lafa jajab ku yimaada marka loo barbardhigo kuwa kale ee qabatimay cunista hilibka, cilmibaaris ayaa sidaasi lagu ogaaday.

“Dadka da’da ah ayaa ku badan lafa jajabka, balse markaan waxaa halista ugu badan wajahaya dadka cuna khudaarta ee da’doodu ka wayn tahay tobanka sanno” ayuu yiri qoraaga daraasad Tammy Tong oo ka tirsan jaamacadda Oxford.

Daraasadan cusub ee lagu daabacay warsidaha BMC Medicine, ayaa sidoo kale lagu sheegay in khatar taasi la mida ay wajahayaan dadka cuna kalluunka mar loo eego kuwa isticmaala hilibka guduudan.

Si natiijadan loo helo, Kontan kun oo ruux oo badankood aanan cunin hilibka ayaa tijaabo la mariyay.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan