Himilo – Carruurta dugsiyada dalka Ingiriiska ayaa ka cabanaya garasho la’aan badan oo la xiriirta illaha cuntada iyada oo cunuggii kamid ah 3-dii cunug uu rumeysan yahay in lo’da dhasho ukun.
Sida laga soo xigtay baaritaan ay sameysay hay’ad samafal, carruurta dugsiyada waxbarashada Ingiriiska ma heystaan faham yar oo ku saabsan illaha laga helo cuntada.
Baaritaanka waxaa ka qeyb galay 1000 carruur ah oo da’dooda u dhaxayso 6 illaa 11 jir. 30% ma ogga in Tuna yahay nuuc kamid ah kalluunka.
Khubarada ayaa ka walaac badan ka muujiyay natiijadda daraasadda. Waxay tani caddeyn u tahay baaritaanno hore oo ay sameysay hay’adda cuntada Ingiriiska islamarkaana muujiyay in carruurta dalka aaminsan yihiin in Farmaajada laga sameeyo dhirta, yaanyadana ay ka baxdo dhulka hoostiisa.
Chris George oo ahaa kormeeraha baaritaanka ayaa carrabka ku adkeeyay inay sugeyso howl culus si loo xaqiijiyo aqoonta carruurta Ingiriiska ee ku qotonta cuntada.