Himilo – Tottenham Hotspur ayaa u oggolaaneysa khadkeeda dhexe ee Dele Alli in uu ka dhaqaaqo kooxda bisha soo aadan ee Janaayo iyada oo la werinayo in PSG xiiseeneyso xiddigan soo qaadashadiisa.
24 sanno jirkaan ayaan kusoo billaaban hal kulan oo Premier League ah tan iyo markii kooxdiisa Tottenham guuldarro kala kulmeen naadiga Everton furitaanka horyaalka.
Alli ayaa Tottenham kaga soo biiray MK Dons sannadkii 2015 qiimo dhan £5 milyan. Laacibka qaranka England ayaa saameyn ku yeeshay kooxda Waqooyiga caasimadda London, isaga oo noqday mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan naadiga.
Qaab ciyaareedka Dele Alli ayaa hoos u dhacay iyada oo loo sababeynayo ka hoos shaqeynta tababare Jose Mourinho, xilli kooxaha Real Madrid iyo PSG xiiseenayaan soo qaadashada laacibkan weliba si amaah ah.