Barnaamijka Aragtida Islaamka waa toddobaadle aad ka dhageysataan Idaacadda Himilo.
Aragtida Islaamka waxaynu ku eegnaa oo ku soo qaadannaa arrimaha la xiriira Islaamka, si fahanka bulshada muslimka ahi ee Soomaaliyeed sare loogu qaado.
Toddobaadkan waxaan ku eegi doonaa ahmiyadda Tarbiyada Carruurta wanaagsan ay u leedahay nolosha qoysaska Musliimta ah.
Waxaa inoogu marti ah toddobaadkan Sheikh Cumar Axmed Sheikh Cusmaan, waxaana soo jeedinaya Aweys Xussein.