Barnaamijka Hiddaha iyo Dhaqanka waxaan diiradda ku saarnaa dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida si loo ilaaliyo dhaqanka iyo sooyaalka umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkan waxaan ku eegi doonnaa toddobaad dhaqameedka Jaamacadda Simad waxaana inoo xog waramay Cabdiweli Maxamuud Faarax oo ah Kaaliyaha Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda iyo qaar kamid ah ardaydii ka qeyb gashay toddobaadka dhaqanka ee jaamacaddaas.
Aweys Xuseen ayaana barnaamijka tebinaya.