Himilo – In ka badan 120 dal oo adduunka ah ayaa looga debbaal degaa toddobaadka Naas-nuujinta oo socda inta u dhaxeysa kowda illaa toddobada bisha agoosto sanad waliba, waxa la booriyaa nuujinta iyo kobcinta dhallaanka dunida hab caafimaad leh.
Taariikha toddobaadkan waxey u laabaneysaa sanadkii 1990-kii, kolkaasi oo hay’adaha qaramada midoobay ee WHO iyo tan carruurta ee UNICEF ay soo saareen soo jeedin caalami ah oo lagu taageerayo naas-nuujinta ubadka, markii uu helay taageero xoogan ayaa dabayaaqadii sanadkii 1991-kii, waxey aas-aaseen urur la yiraahdo World Association of Breastfeeding Action, iyadoona 1992-kii ololaha xoojinta naas-nuujinta loo qoondeeyay inuu socda muddo isbuuc.
Naas-nuujinta oo sidoo kale loo yaqaano xannaaneyn, waa habka ugu tayeysan ee lagu heli karo carruur caafimaad qabta oo u hanaqaadda si qumaati jir iyo maskax ahaanba, Hay’adda caafimaadka dunida waxey rumeysan tahay in caanaha hooyada – oo wax loo dhigaa aysan jirin- ay ubadka u yihiin cunno ku habboon, nadiif, saafi ah oo ay ka dhigan yihiin tallaalkii ugu horreeyay oo ay qaadanayaan si jirkoodu isaga difaaco xanuunka asiiba dhallaanka.
Caanaha hooyada oo 90% ah biyo, waxaa sidoo kale ku jira dufan, boritiin iyo sokor, waxey ka caawiyaan ubadka inuu helo miisaan caafimaad qaba, iyaga oo xoojiya lafahooda iyo xittaa maqaarka, waase marka loo dhammeeyo naas-nuujinta habboon.
Cilmibaarisyo laga sameeyay ayaa tilmaamaya in caanaha hooyada ay sidoo kale ka hortagaan dhimashada deg degga ah ee ku timaadda dhallaanka, waxaana sanadkii ka badbaada cudurrada sababa dhimashada ku dhawaad 900 oo milyan oo caruur ah. Waxey sidoo kale nuujinta xoojisaa xiriirka ku dhisan dareenka ee u dhaxeeya hooyada iyo ubadkeeda.
Marka laga soo tago carruurta nuujintu waxey hooyada ka caawisaa in jirkeeda uu helo waqti uu kusoo kabto, sida daraasadaha qaarkoodu xusayaana hooyada nuujisa badi kuma dhaco kansarka ku dhaca ilma galeenka, kan naasaha, sokorta nuuceeda labaad iyo dhiig-karka.
Khubarada caafimaadka ayaa ku taliya in lixda bil ee ugu horreeysa nolosha cunaga yar la siiyo caano barax la’ mase dhacdo badi sida ay muujinneyso qiyaasta WHO oo sheegeysa in kaliya 41% carruurta adduunka ay helaan nuujin barax la’ lixda bil ee ugu horreysa noloshooda, iyada oo ay tahay in nuujinta loo sii wado inta ay ka gaarayaan da’da laba jirka sida ay diinteenuba ina fareyso.
Inkastoo xilligan uu dunida ka taagan yahay cudurka dilaagga ah ee COVID-19 haddana hay’adda caafimaadka adduunka waxey xaqiijisay in dhallaanka yar uusan qaadi karin feyruska karoona xittaa haddii jirka hooyada uu ku jiro feyruska karoona, taasi oo ka dhigan inaysan jiri karin xaalad hooyada ka hor istaagi karta inay nuujiso ubadkeeda.