Home / Cayaaro / Dusan Vlahovic oo aan ku degdegi doonin inuu ka tago Fiorentina

Dusan Vlahovic oo aan ku degdegi doonin inuu ka tago Fiorentina

Himilo – Weeraryahanka kooxda Fiorentina Dusan Vlahovic oo lala xiriirinayay Arsenal ayaa la soo weriyay inuusan ku degdegi doonin ka tagitaanka naadigiisa inta lagu jiro suuq furankan.

Xiddigan reerka caalami ah ee reer Serbia ayaa dhaliyay 18 gool 21 kulan oo uu saftay intii uu socday ololaha 2021-22. Kooxo arkay waxqabadkiisa ayaa daneynaya saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay 90min, Vlahovic ayaa isku diyaarinaya inuu sugo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, markaas ayaa lagu wadaa inuu gaaro go’aanka mustaqbalkiisa.

Da’yarkan ayaa taniyo markii uu Fiorentina ku soo sanadkii 2018 u dhaliyay 47 gool, sidoo kale waxaa loo diiwaan geliyay 7 caawin 105 kulan oo uu u saftay naadiga.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan