Home / Macluumaad / Duuliye inuu diyaaradda kiciyo shuruud uga dhigay inay rakaabku bixiyaan lacagta shidaalka

Duuliye inuu diyaaradda kiciyo shuruud uga dhigay inay rakaabku bixiyaan lacagta shidaalka

Himilo – Si ay diyaaraddu u duusho waxay aheyd inay qaadato shidaal ku filan lana bixiyo $3,000 oo lacagta shidaalka ah, balse duuliyihii ayaa rakaabka diyaaradda weydiiyay inay lacagta bixiyaan!

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo badan, duuliyaha ayaa diiday inuu diyaaradda duuliyo xilligii loo qorhseeyay ilaa rakaabka ay ka bixiyaan lacagta shidaalka safarka.

Jadwalka rakaabka ayaa ahaa inay ka dhoofaan garoonka Tunis una duulaan  Baghdad, laakiin dib ayay u dhaceen saacado,  arrintan ayaa caro ku reebtay markii duuliyiha uu u sheegay inuusan meelna u kicineyn diyaaradda ilaa uu ka helo lacagta.

Dood ayaa labada dhinac ka dhex bilaabatay, mid ka mid ah rakaabka ayaa duubay buuqda diyaaradda ka dhex dhacay waxa uuna dhigay baraha bulshada. Bilowgii waxaa loo arkay arrin siyaasadeed.

Warbixinno horudhac ah ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Tunisia ay ka horjoogsadeen duullimaadka in ay qaadaan sababta oo ah saraakiisha duullimaadyada Ciraaq waxaa ku maqan deyn shidaal oo aan la bixin.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan