Himilo – Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, weeraryahanka Real Madrid Endrick ayaa la filayaa inuu amaah kaga tago kooxda bisha Janaayo, iyadoo ay durbaba socdaan wadahadalo.
Waxaa la og yahay in weeraryahanka da’da yar uu aad u jecel yahay inuu helo waqti badan oo uu ciyaaro, gaar ahaan marka uu soo dhawaado Koobka Adduunka 2026, arrinkaas, Real Madrid waxay u furan tahay inay si ku meel gaar ah ugu dhaqaaqdo.
Xilli ciyaareedkan waxa uu ku ahaa mid xun Endrick. Wali ma uusan safan kulankiisii ugu horeeyay ee Xabi Alonso, waxaana xitaa laga saaray safkii Getafe.
Ka-saariddiisa si fiican ugumay qancin da’yarka . Sidii horeba loo sheegay, waxa uu laaday caagad biyo ah isaga oo niyad jabsan kadib markii uu ogaaday in aanu badal ku iman doonin kulanka Getafe.
Xaalada Endrick ayaa noqonaysa mid sii cakiran. Da’yarka ayaa haatan wax ka badan shan bilood ka soo muuqan isaga oo aan u safan kulan Rasmi ah kooxda Real Madrid.
Xaqiiqdii, haatan waa ciyaaryahanka kaliya ee banaanka ka ah kooxda waa weyn ee aan ka hoos muuqan Alonso xilli ciyaareedkan, inkastoo uu diyaar u ahaa lixdii kulan ee ugu danbeysay ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac.
U dhaqaaqista amaahda ee Janaayo, waxay siin kartaa fursada uu u baahan yahay si uu khibrad u helo, una caddeeyo tayadiisa, oo uu dib ugu soo ceshto xirfaddiisa.

