Home / Habka-Nolosha / France oo garaacday Italy.

France oo garaacday Italy.

Italy ayaa laga badiyay kulankoodii ugu horeysay ee ay ka hoos ciyaaraan tababare Giampiero Ventura iyadoo guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay xulka France oo marti ku aheyd magaalada Bari ee dalka Talyaaniga, laakiin goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa taariikh dhigay.

Xulka Azzurri ayaa sii wata rikoorka xun ee ay ka heystaan xulka France kulamada saaxiibtinimo iyadoo laga badiyay afartii kulan ee ugu danbeysay.

Xulka France ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta daqiiqadii 17aad markii weeraryahanka Manchester United Anthony Martial uu shabaqa soo taabtay, laakiin hogaankooda ma waarin oo xulka martida loo ahaa ee Azzurri ayaa ciyaarta barbareysay afar daqiiqo ka dib iyadoo uu gooldhaliyay weeraryahan Graziano Pelle.

Intii aan la gaarin nusa saacihii ugu horeeyay ee ciyaarta xulka Les Bleus ayaa mar kale hogaanka ku soo laabtay waxaana markaan goolka u dhaliyay weeraryahanka Arsenal Oliver Giroud, iyadoo uu xulka Talyaaniga quusiyay ciyaarta oo sagaal daqiiqo ay ka harsan tahay Lavyin Kurzawa oo dhaliyay goolka seddexaad.

Si kastaba Gianluigi Donnarumma ayaa kulankiisii ugu horeysay saftay qeybtii labaad isagoo da’diida ay tahay 17 sanno jir waxaana uu noqday goolhayihii ugu da’da yaraa abid ee u ciyaara xulka Talyaaniga iyo ciyaaryahankii ugu da’da yaraa Azzurri ee tan iyo 1991. Waxaa cajiib ah in goolhayaha Milan inuusan xitaa dhalinin markii uu Buffon ciyaarayay kulankiisii ugu horeysay, isagoo dhashay 16 bilood ka dib.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan