Home / Habka-Nolosha / Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadiyay kulan ka tirsan tartanka kooxaha Afrika

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadiyay kulan ka tirsan tartanka kooxaha Afrika

Garsoorayaasha Soomaaliyeed oo kala ah Xasan Aadan Xaaji Yabaroow Wish, Xasan Maxamed Xaaji,  Xamse Xaaji Cabdi iyo Suleymaan Bashiir Shiikh Cabdi ayaa dhexdhexaadiyay kulan xiiso badan oo dhexmaray kooxaha AS Vita Club iyo Mamelodi Sundowns.

Waa lugtii hore ee koobka kooxaha Afrika, waxaana uu ka dhacay dalka Congo oo loogu martiyay kooxda Vita Club iyadoo lugta labaad ay ka dhici doonto dalka South Afrika.

Kulanka oo shalay galab dhacay ayay si wacan garsoorayaasha dalkeenu u dhexdhexaadiyeen oo shaqo wacan ay qabteen.

Cayaarta ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo idlaatay 1-0 oo guushu ay ku raacday kooxdii loo soo martiyay AS Vita Club.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan