Graham Potter oo xul qaran loo magacaabay 23 maalmood ka dib markii West Ham ay ceyrisay

Himilo – Graham Potter ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee xulka qaranka Sweden – 23 maalmood uun ka dib markii laga ceyriyay shaqada kooxda West Ham.

Xidhiidhka kubbada cagta Sweden ayaa diiwaan galiyay adeega tababarihii hore ee West Ham iyo Chelsea si ay dib ugu soo nooleeyaan rajadooda u soo bixitaanka koobka aduunka ee sii yaraanaysa.

Iminka, Sweden ayaa u hooseysa Group B iyagoo leh dhibic kaliya afartii kulan ee ugu horeysay, waana bilow niyad jab leh taasoo keentay in shaqada laga eryo tababare Jon Dahl Tomasson todobaadkii hore.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay website-ka FA-ga Sweden, ujeedadu waa “in la abuuro shuruudo wanaagsan si loo gaaro Koobka Adduunka xagaaga 2026”.

Potter, oo laga qaaday shaqadii West Ham Sebtember 27-keedii, ayaa horay u soo tababaray Ostersund ee Sweden 2011 ilaa 2018 ka hor inta uusan qaban doorka maamul ee Swansea.

“Aad ayaan uug qancay shaqada la ii dhiibay, ayuu Potter ku sheegay website-ka FA-ga Sweden.

“Sweden waxa ay haysataa ciyaartoy cajiib ah oo wax ka qabta horyaalada aduunka ugu wanagsan usbuuca dhexdiisa, shaqadeydu waxa ay noqon doontaa in aan abuuro shuruudo si aan koox ahaan u soo bandhigno heerka ugu sareeya si aan Sweden u gaadhsiino koobka adduunka xagaaga soo socda”.

Kim Kallstrom, oo ah agaasimaha kubbadda cagta ee Sweden, horena u ahaan jiray ciyaaryahan caalami ah, ayaa intaa ku daray: “Aad ayay u wanaagsan tahay in Graham uu noqdo tababaraha  xulka qaranka ragga.

“Dhamaanteen waan ka warqabnaa xaalada aan ku jirno, waxaana aaminsanahay in xirfadiisa hogaamineed uu kooxda isugu keeni doono qaab wanaagsan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan