Home / Habka-Nolosha / Guardiola oo aan la dhacsaneyn qaab cayaareedkii kooxdiisa kulankii xalay

Guardiola oo aan la dhacsaneyn qaab cayaareedkii kooxdiisa kulankii xalay

Maareeyaha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa carabka ku dhuftay inuu aad uga xumaaday guuldarradii kasoo gaartay kooxda Caasimadda Madrid ka dhisan ee Atletido Madrid.

Gool uu dhaliyay Niguez ayaa kaga filnaaday wiilasha macallin Diego Simeone inay guuldarro badaan macallin Guardiola iyo kooxdiisa.

Guardiola oo weriyaasha la hadlay ayaa yiri “Goolkoda aad buu u qurux badnaa, laakiin qaladkeena ayuu ku yimid. Waan iska taagneyn. Kuma qancin qaab cayaareedkeenii.”

Pep Guardiola ayaana filaya kulanka ka dhici doona Allianz Arena inuu noqon doono mid adag, inkastoo uu qabo rajo ah ina halkaa wax walba ku sameyn karaan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan