Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney afkeedu furmay soddon sano oo xirnaa kadib

Haweeney afkeedu furmay soddon sano oo xirnaa kadib

Himilo – Haweeneyd soddon jir ayaa afkeedu furmay markii ugu horreysan taniyo dhalashadeedii kaddib markii qalliin loogu sameeyay Isbitaal ku yaalla caasimada India ee New Delhi.

Astha Mongia marna uma aysan suura galin inay afkeeda kala furto arrimo la xiriira xaalad dhif ah oo isku keentay lafaha daankeeda. In yar oo xitaa carrabkeeda aysan taaban Karin ayaa u furneyd.

“Soddonkii sano ee tagtay Astha ma aysan awoodin inay qaadato cunno adag. Waxaa dhib ku ahaa hadalka. Ilkaheeda ayay wada wayday.” Sidaa qoraal ka soo baxay isbitaalka ayaa lagu yiri.

Dhakhaatiirta qalliinka afka loogu furay u sameeyay ayaa sheegay inay xaaladan ahayd mid adag. Iyagoo xusay inay isbitaalo kala duwan ay horey  u diideen qallaan.

“Waa mucjiso inaan afkayga kala furi karo. Sidoo kale aan wax ku cuni karo kuna hadli karo dhib la’aan.” Sida waxaa laga soo Astha.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan