Home / Macluumaad / Haweeney maqaayad ku dacwanaysa sababta dhimasho ee Eygeeda.

Haweeney maqaayad ku dacwanaysa sababta dhimasho ee Eygeeda.

Muqdisho – Haweeney ayaa dacwad ka gudbinaysa maqaayad kadib markii eygeeda uu u dhintay shaah kulul oo uu ku gubtay.

58-jirta lagu magacaabo Deanna Salas-Solano oo ku nool Colorado ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda Denver District Federal Court.

Waxay raadinaysaa adduun dhan mag-dhow ah oo gaaraya 100,000$ – iyada oo ku sheeganeysa in eygeeda uu u dhintay dayacaad iyo mas’uuliyad darri xaga mqaayadda kaga timid.

Salas-Solano  waxay sheegtay inay maqaayadda u aaday si ay shaah uga soo cabto. Balse sida aan foojignayn ee la iskaga xil-saaray ilaalinta halista dahsoon, ayay tiri, waxaa iiga gubtay eygeyga oo lagu magacaabo Alexander.

Natiijada ayaa noqotay in eygu uu gubtay gubashada degree-ga labaad – in yar kadib uu u geeriyooday.

Salas-Solano waxaa iyadna loo qaaday xarunta caafimaadka  Swedish Medical Center Burn halkaas oo lagu dabiibay.

Howl-wadeennada maqaayadda ayaa sheegay inay hayaan muuqaalka kaamiradu ka duubtay dhacdada. Balse ilaa hadda uma soo deynin shacabka.

Hayeeshe muuqaalka fiidiyowga Salas-Solano ayaa muujinaya eygeeda oo ku soo dulboodaya dhabteeda xilli ay isku dayayso inay laacdo shaaha u saaran miiska.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan