Home / Uncategorized / Haweeney mar qura dhashay 10 carruur ah

Haweeney mar qura dhashay 10 carruur ah

Himio – Haweeney ka soo jeeda Koonfur Africa ayaa dhashay 10 ilmood mar qura, iyadoo jabisay rikoodhka Guinness World Record ee ay haysatay Halima Cissé oo sagaal carruur ah ku dhashay dalka Morocco horaantii bishii May ee sannadkan.

Dhakhaatiirta ayaa ogaaday in ay siddo mataano intii lagu jiray baaritaanka caafimaadka – isbitaal ku yaal Pretoria.

Haweyneydan oo la yiraahdo Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah, waxay dhashay  toddobo wiil iyo saddex gabdhood oo lagu soo qalay. Waxay tilmaamtay in uurkeedu uu ahaa mid dabiici ah maadaama aysan ku jirin daaweynta bacriminta oo ay hore u dhashay mataano hadda lix jir ah.

Ninkeeda  oo la hadlayay Pretoria News, Tsotetsi waxa uu sheegay in Sithole ay umushay  29 toddobaad markii ay uurka  lahayd.

“Waa toddobo wiil iyo saddex gabdhood.  Waxay ahayd uur toddobo bilood iyo toddoba maalmood ah.  Waaan ku faraxsanahay.  Waan qiirooday.  Ma hadli karo wax badan.  ayuu yiri Tsotetsi.

Waxay sheegtay inay ku jirtay xaalad Daciif  ah markii ay dhakhaatiirtu u sheegeen horaantii sanadkan inay rajaynayso lix caruur ah ka hor intaan baaritaano dheeri ah lagu muujin in caruurtu intaa ka sii badan Tahay.

Ninkeeda Teboho Tsotetsi oo shaqo la’aan ah, ayaa sheegay in sidoo kale naxdin uu ku batay markii loo sheegay in xaaskiisu ay sido mataano.

Carruurta mataanaha ah waxay ku qaadan doonaan bilaha soo socda qalabka wax lagu koriyo.

Kahor Haliam Cissé oo sagaal carruur ah dhashay, rikoorka  caruurta ugu badan ee lagu dhaley iyagoo nool  waxaa haysatay Nadya Suleman oo ka soo jeeda dalka  maraykan iyada oo dhashay sideed caruur ah sanadkii 2009.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan