Home / Habka-Nolosha / Hordhaca kulanka dhexmari doona Banaadir SC iyo FC Muqdisho

Hordhaca kulanka dhexmari doona Banaadir SC iyo FC Muqdisho

Kulan cayaareedkan ay isku beegan yihiin Banaadir SC iyo Muqdisho City ayaa ka dhici doona gegada Banaadir Stadium, saacadda geeska Afrika marka ay tahay 3:30pm galabnimo.

Hogaamiyaasha horyaalka kubadda cagta dalka Banaadir SC ayaa kulan muhiim u ah maanta la cayaari doonta kooxda heerka koowaad ugu hooseysa ee Muqdisho City.

Banaadir iminka horyaalka waxay ku hogaamineysaa 3 dhibcood iyadoo leh 35 dhibcood, dhankeedana weli dhulka lama dhigin, barbarihii kulankii Elman iyo Jeenyo ayaana kooxdan u sii riixeysa hanashada horyaalka.

FC Muqdisho aad bay u liidataa, wayna sii carbunatay booskeeda heerka labaad xagaaga soo aadan, ogowna weli hal guul xagaagan ma aysan kaarin, shabaqeedana waxaa ku maqan 38 gool oo deyn ah.

Banaadir ayaana cayaartan badi loo saadaalinayaa in si dhib yar ay dhibcaha ku tirsan doonto, walow kubaddu ay mucjisooyin saadaalin aan gelin ay leedahay.

Guul ay gaarto Banaadir SC ayaana ka dhignaan doonta inay hogaanka horyaalka ku qabato lix dhibcood xilli qeybihii danbe ee horyaalka la joogo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan