Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda kubadda cagta Manchester United kaddib markii uu suuqa xorta ah uga soo dhaqaaqay kooxda PSG.
Tiro kooxo ah oo u badan kuwa ka cayaara Yurub ayaa si weyn loola xiriirinayay inay xiddigan gacanta kusoo dhigi karaan, hayeeshee goordhow ayuu mareegtiisa Twitter ku xaqiijiyay inuu ku biiray Manchester United.
34 jirkaan ayaa bogiisa Twitter kusoo qoray “Waxaa la joogaa waqtigii ay adduunyadu ogaan laheyd, in calafkeyga xiga uu yahay Manchester United.”
Radio Himilo
