Home / Habka-Nolosha / India: Caruus xafladda arooskiisa laga af-duubtay

India: Caruus xafladda arooskiisa laga af-duubtay

Himilo – Aad ayuu u niyad jabay kaddib markii ay dooratay gabadhii uu jeclaa inay guursato qof kale, waa midda ku xambaartay inuu afduubto wiilka u fadhiyay guurkeeda.

Waxa uu go’aansaday inuu ka aarguto qiyaanada saaxiibtii. Waxa uu xoog ku galay albaabka qolka ay ka dhacaysay xafladeeda, wuxuuna afduubtay caruuskii!

Qafaalka ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Rajasthan ee India. Dhacdadan ayaa dadka waxay soo xasuusisay sheeko tan la mid ah oo ku jirtay filim la soo saaray 1950s-kii.

Afduubayaasha markii ay galeen hoolka xafladda ayay bilaabeen inay garaacaan qaraabada caruuska, saaxiibadii iyo martidii kale, waxay goobta ka wateen isaga iyo walaalkii.

Aabbaha caruuska ayaa booliiska u gudbiyay falka. Ugu dambeyn ciidamada ayaa afduubayaasha ku qasbay inay soo daayaan la haysteyaasha.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan