Home / Macluumaad / India: Dadkii ugu badnaa oo toddobaad gudihii laga tallaalay COVID-19

India: Dadkii ugu badnaa oo toddobaad gudihii laga tallaalay COVID-19

Himilo – Isbitaal ku yaalla Mumbai ayaa galay diiwaanka Guinness World Record kadib  markii uu cudurka Koofid-19 muddo isbuuc ah ka tallaalay  in ka badan 30,000 oo qof.

Isbitaalka Surana Sethia, oo kaashanaysa ICICI Lombard, wuxuu diiwaan-geliyay 30,467 qof si ay u helaan tallaalkooda COVID-19 muddo toddbaad ah. Dhammaankood waxay qaateen tallaalka laga hor tago safmareen.

Koox ka kooban 60 qof oo ay ku jiraan hubiyayaal, kalkaaliyayaal caafimaad, dhakhaatiir iyo shaqaale gurmadka ayaa toddobaadkii oo dhan ka shaqeynayay xarumaha tallaalka si ay dadka u wada gaarsiiyaan.

Ololaha tallaalka wuxuu soo billowday 7-dii bishan August, wuxuu soo gabagaboobay 13 isla bishan. Tallaalka waxaa la siinayay dhammaan dadka qaan-gaarka ah iyo carruurta ay da’doodu ka weyn tahay 11 jirka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan