India: Dadkii ugu badnaa oo toddobaad gudihii laga tallaalay COVID-19

Himilo – Isbitaal ku yaalla Mumbai ayaa galay diiwaanka Guinness World Record kadib  markii uu cudurka Koofid-19 muddo isbuuc ah ka tallaalay  in ka badan 30,000 oo qof.

Isbitaalka Surana Sethia, oo kaashanaysa ICICI Lombard, wuxuu diiwaan-geliyay 30,467 qof si ay u helaan tallaalkooda COVID-19 muddo toddbaad ah. Dhammaankood waxay qaateen tallaalka laga hor tago safmareen.

Koox ka kooban 60 qof oo ay ku jiraan hubiyayaal, kalkaaliyayaal caafimaad, dhakhaatiir iyo shaqaale gurmadka ayaa toddobaadkii oo dhan ka shaqeynayay xarumaha tallaalka si ay dadka u wada gaarsiiyaan.

Ololaha tallaalka wuxuu soo billowday 7-dii bishan August, wuxuu soo gabagaboobay 13 isla bishan. Tallaalka waxaa la siinayay dhammaan dadka qaan-gaarka ah iyo carruurta ay da’doodu ka weyn tahay 11 jirka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan