Home / Macluumaad / Induniisiya – Haween 100 karbaash lagu dhiftay markii ay Shareecada ku xad-gudubtay.

Induniisiya – Haween 100 karbaash lagu dhiftay markii ay Shareecada ku xad-gudubtay.

Muqdisho – Haweeney ayaa dadweynaha hortooda lagu karbaashay 100 jeer markii ay aad ugu dhawaatay nin aan qabin oo anjabi ka ah.

Haweeneydan lagu magacaabo Mazidah oo ku nool Lhokseumawe waa 30-jir. Waxaana lagu eedeeyey inay ku xad-gudubtay Shareecada Islaamka oo diidaysa in qof anjabi ah aad loogu dhawaado Рsifo aan bannaanayn.

Maalintii Jimcaha ayaa meel fagaare loogu oogay xadka danbigii lagu soo helay. Dadweyne isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa isugu soo baxay.

Mazidah waa xaas u dhaxda seygeeda. Waxaana la karbaashay 100 jeer. Warar qaar ayaa sheegaya in xanuunka ay ka qaaday garaacista uu keensaday in loola cararo isbitaalka.

Ninka ay la taagnayd oo isuguna 34-jir ah, waxaa la karbaashay boqol jeer.

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan