Home / Caruurta / Ingiriiska: Cunug 4 jir ah oo badbaadiyay hooyadii oo dhibaateysan!

Ingiriiska: Cunug 4 jir ah oo badbaadiyay hooyadii oo dhibaateysan!

Himilo FM –  Dalka Ingiriiska, cunug 4 jir ah ayaa isaga oo adeegsanaya barnaamij taleefan waxa uu badbaadiyay hooyadii oo miir daboolantay.

Magaalada Hook ee dalka Ingiriiska ayaa laga soo wariyay sheekadan, waxaana wiilka yar oo la yiraahdo Baw Ostein uu keli ku ahaa guriga markii ay hooyadii oo xaamilo ah dareentay culeys islamarkaana uu miirka ka tagay.

Cunugga  yar ayaa u dagdagay taleefanka Iphone-ka oo ay laheyd hooyadii laakiin uu marwalba isticmaali jiray.  Baw oo ka jawaabaya dhibaatada hooyadii heysatay ayaa adeegsaday barnaamijka Siri ee caaqilka isaga oo la xiriiray qeybta adeegga deg degga ah ee dalkaasi.

Waxa uu la hadlay cunugga yar qof booliiska kamid ah oo fahmay in dhibaato jirto islamarkaana ka bixiyay jawaab.

Hooyada oo loo qaaday isbitaal lana daweeyay ayaa sheegtay sida ay ugu faaneyso wiilkeeda iyadoo tilmaamtay in la’aantii ay xaaladeeda khatar geli laheyd.

Waxaa kale oo ay xustay hooyada uurka leh inaysan hore u oggeyn awooda taleefankeeda Iphoneka oo fududeeyay in wiilkeeda farriin gaarsiiyo qeybta adeegga deg degga ah.

Waxaa xusid mudan in cunugga yar ee 4 jirka ah uu qabatimay isticmaalka taleefanka caaqilka islamarkaana uu jeclaa. Booliiska Ingiriiska ayaa boggaadiyay geesinimada iyo maskax furnaanta cunugga yar.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan