Home / Cayaaro / Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro Georginio Wijnaldum

Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro Georginio Wijnaldum

Himilo – Inter Milan ayaa lagu warramayaa in ay quudareynayaan u dhaqaaqitaanka laacibka khadka dhexe ugu ciyaara kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Inkasta oo uu kamid yahay furaha safka tababare Jurgen Klopp, haddana Wijnaldum waxaa joogitaankiisa Anfield kaga haray keliya lix bilood.

Barcelona, ayaa aad u dooneysay xiddiga si uu ula midoobo hoggaamiyahiisii hore ee Ronald Koeman, kaasi oo u baahan in uu la midoobo.

Si kastaba, sida ay ku warrameyso Tuttomercatoweb, Inter ayaa xiiseyneysa in 30-jirkan ay soo qaadato sannadka billaabanaya ee 2021.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan