Home / Cayaaro / Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Georginio Wijnaldum

Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Georginio Wijnaldum

Himilo – Inter Milan ayaa Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa ciyaartoyga kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Hoggaamiyaha Barca, Ronald Koeman ayaa dhawaan xaqiijiyay rabitaankiisa ku aadan laacibka ay isku qaranka yihiin kaasi oo uu doonayo inuu u dhaqaaqo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.

Warsidaha Talyaaniga ee Calciomercato ayaa sheegay in Inter Milan isku diyaarineyso dalab ay ka gudbinayaan laacibkan.

Wijnaldum heshiiskiisa kooxda waxa uu dhacayaa dhammaadka fasalkan isaga oo iska diiday ka jawaabidda weydiimo la xiriira haddii uu qandaraaska u kordhinayo naadiga iyo in kale.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan