Home / Cayaaro / Inter Milan oo hoos u dhigtay dalab kaga imaanaya Liverpool, Man United iyo Arsenal.

Inter Milan oo hoos u dhigtay dalab kaga imaanaya Liverpool, Man United iyo Arsenal.

Himilo – Naadiga Inter Milan ayaan ku qanacsanaan doonto qiimo waliba oo loo soo bandhigo ee lagu doonayo khadkooda dhexe Nicolo Barella.

23 sanno jirkaan, ayaa si joogto ah ugu ciyaaraya naadiga, kaddib markii uu amaah ugu soo ciyaaray Cagliari sannadkii lasoo dhaafay, afar caawin ayuu sameeyay 10 kulan oo uu naadiga Inter u saftay fasal ciyaareedkan.

Liverpool, Manchester United iyo Arsenal ayaa dhammaan xiiseenaya laacibkan u dhashay Italy, laakiin Calciomercato ayaa leh Inter ma beecin doonto qiimo waliba oo lagu doonayo xiddigan.

Warbixintu waxay intaasi ku dareysaa in uu yahay mid kamid ah seddex xiddig oo kooxda Inter ka tirsan oo aan la iibin doonin labada kale ayaa ah Stefan de Vrij and Romelu Lukaku.

Barella ayaa heshiis ah afar sanno ah u saxiixay Inter bishii September.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan