Home / Habka-Nolosha / Italy: Macallin saddex sano gudahood shaqadiisa ka fasax qaatay in ka badan 769 maalin

Italy: Macallin saddex sano gudahood shaqadiisa ka fasax qaatay in ka badan 769 maalin

Himilo – Macallin ka soo jeeda dalka Talyaaniga ayaa waxa uu shaqadiisa fasax ka qaaday saddex sano gudahood muddo ka badan 769 maalin.

Marka la isku geeyo saddexda sano si guud waxay ka kooban tahay 1095 maalin, waxaa ku jira maalmo fasax ah oo isku geyn dhaafaya 300 oo maalin.

Waxay ka dhigan tahay macallinkan oo xisaabta dhiga inuusan bixinin hal dersi casharradii loogu tala galay inuu ardayda siiyo ee uu masuulka ka ahaa

Maqnaanshihisa wuxuu sal uga dhigi jiray inuu xannuunsan yahay ama xannaaneynta carruurtiisa. Balse waxaa la ogaaday inuu shaqo kale ku hawlanaa.

Si cudur-daaradiisa loo rumeysto wuxuu keeni jiray iskuulka warqado caafimaad balse markii dambe waxaa loo yeelay kormeere u kuurgala.

Waxaa la xajiijiyay inuu saddex sano qaadan jiray mushaarka iskuul isla markaana uu ka shaqeyn jiray dhowr shirkadood oo uu ka helay 97,000 euros.

Sheegashada inuu xannuunsan yahay wuxuu ku helay lacag gaareysa 13,000 euros. Balse waxaa la hubiyay inuu safar, shaqo iyo tamashle ku jiray intii u manqaan jiray.

Booliska oo raad-raacay dhaqdhaqaaqiisa lacag bixinta ayaa gacanta ku dhigay hadda waxaa ku socda baaritaan macluumaadkiisa lagu sii ogaanayo.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan