Himilo – Grealish, ayaa go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa kooxda Aston Villa, isaga oo saxiixay heshiis shan sanno ah.
Qandaraaska cusub Jack Grealish, waxa uu ku qaadan doonaa mushaar ka badan midkii heshiiskiisii hore ee dhacaya sanadka 2023-ka.
Waxaa uu qaadan doonaa todobaadkii 135,000 oo pound. taas oo ka dhigan in qandaraaskan uu ku helayo 55,000 oo pound oo dheeri ah
24-jirkan kaptanka u ah Villa ayaa waxaa xagaagan doon doonayay kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Manchester United iyo Arsenal.
Inkastoo Grealish uu kooxdiisa u saxiixay heshiis cusub haddan United-ka ayaa wali raja ka qabta inay hesho.