Kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa goolashii ugu badnaa xagaagan oo koox laga dhaliyo ka dhalisay FC Muqdisho kulan ka dhacay gegada Banaadir Stadium oo ku soo idlaaday 7-0.
Cayaaryahanka lagu magacaabo Feysal Xasan Xaashi ayaa labo gool qeybtii hore ee cayaarta kooxdiisa shabaqa u gaarsiiyay isagoo qeybtii labaadna saddexlediisa dhameystiray.
Xasan Cabdinuur Geeseey ayaa goolka afaraad u dhaliyay Jeenyo inta aanu goolkii shanaad iyo kiisii afaraad dhalin Feysal Xasan.
Maxamuud Cabdinuur Maxamed Meyman ayaa isna laba gool isdaba dhigay si ay 7-0 u macsalaameeyaan kooxda Muqdisho FC.
Jeenyo ayaana u muuqatay mid si waafi ah maanka ugu heysay guushii 6-0 aheyd oo shalay ay gaartay kooxda Banaadir SC.