Home / Habka-Nolosha / John Terry oo loogu yaboohay qandaraas sanad dheeri ah kusii heyn doona Chelsea

John Terry oo loogu yaboohay qandaraas sanad dheeri ah kusii heyn doona Chelsea

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa baahisay in Kabtan John Terry ay ugu yaboohday qandaraas sanad dheeri ah kusii heyn doona gegada Stamford Bridge ee Galbeedka London ku taal.

Guddoomiyaha kooxda Chelsea  Bruce Buck  ayaa booqday tababarka kooxda si uu wadahadallo ula yeesho kooxda wiilka daafaca uga dheela.

Horaantii sanadkan waxay u muuqatay inay gebagebo joogto 18 sanadood oo wiilkii hore ee qaranka Saddexda Libaax uu la qaatay Blues, isaga ayaana meesha aan ka saarin bishii Febraury suurto galnimada uu kooxda uga tegi karo.

35 jirkaan ayaa rajo weyn iyo qanaaco ku muujiyay inuu kooxda sii joogo xagaaga soo aadan, isagoo aan hubin in uu kooxda lasii joogi doono.

Taageerayaasha Blues ayayse farxad u tahay in xagaaga soo aadan ay markale arkaan Terry oo kooxda hogaaminaya.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan