Himilo – Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhowdahay inay dhamaystirto saxiixa weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino.
Massimiliano Allegri ayaa doonaya inuu ku xoojiyo weerarka kooxda. Juve ayaa Firmino u aqoonsatay bartilmaameed kale oo muhiim u ah naadiga.
Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport, kooxda ka dhisan Serie A ayaa horumar weyn ka gaartay wadahadaladii ay Reds kula jirtay saxiixa xiddiga reer Brazil.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Juve ay ogolaatay heshiis ay ku shaqaaleysiineyso Firmino – kaasoo qandaraaskiisa Anfield ay ka harsan yahay 12 bilood oo kaliya – kaasoo ay ku qaadaneyso adduun dhan €22m (£19m).
Tan iyo markii uu ku soo biiray Liverpool bishii June 2015 – afar bilood ka hor imaatinka Klopp – Firmino ayaa u saftay kooxda 327 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 98 gool isla markaana caawiyay 74 gool oo kale.