Home / Cayaaro / Juventus oo dalab ka gudbisay Olivier Giroud iyo Arkadiusz Milik

Juventus oo dalab ka gudbisay Olivier Giroud iyo Arkadiusz Milik

Himilo – Sida ay ku warrameyso Tuttojuve, Juventus ayaa ka shaqeeneysa sidii ay heshiis ula saxiixan laheyd midkood xiddigaha Olivier Giroud ama  Arkadiusz Milik marka la gaaro bisha Janaayo xilligaasi oo uu furmayo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Bianconeri ayaa la werinayaa in ay rabto sidii ay u heli laheyd shaqsi beddel u noqda Alvaro Morata kaasi oo ah weeraryhanka keliya oo ay heystaan.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in Juventus bartilmaameedsanaayan Chelsea xiddigeeda Olivier Giroud iyo Napoli weerayahankeeda Arkadiusz Milik.

Olivier Giroud ayaa wajahaya dhibaato uu kula kulmayo naadiga Chelsea taasi oo fursad u siineysa Juve soo qaadashadiisa halka Arkadiusz Milik oo in muddo lala xiriirinayay u dhaqaaqitaanka Juventus xagaagan suuragal tahay in ay soo iibsadaan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan