Home / Cayaaro / Juventus oo diyaarineysa £150 Milyan oo ay ku dooneyso van Dijk

Juventus oo diyaarineysa £150 Milyan oo ay ku dooneyso van Dijk

Himilo – Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar la tahay £150 Milyan oo ay ku dooneyso daafaca kooxda Liverpool Virgil van Dijk xagaagan.

Van Dijk ayaa sameeyay bandhig ka dhigay daafaca ugu wanaagsan caalamka tan iyo markii uu Liverpool ku soo biiray sannadkii 2018-ka.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoray in Juventus diyaarineyso lacagta la xusay iyada oo dooneysa inay cayaaryahanka reer Netherland ka soo kaxeyso garoonka Anfield.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Juventus aaminsan tahay in Van Dijk uu doonayo isbeddal cusub marka uu kooxdiisa Liverpool kula guuleysto horyaalka Ingiriiska.

28 jirka ayaa goor sii horreysay ku guuleystay Champions League, European Super Cup, Club World Cup inta uu joogo Liverpool. Waxa uu yimid kaalinta labaad ee abaal-marinta 2019 Ballon d’Or.

Reds ayaa la aaminsan yahay in aysan dooneyn iibinta cayaaryahannadeeda tiirka u ah balse Juventus ayaa rumeysan in lacagta ay wax ka beddali karto kooxda uu hoggaamiyo Jurgen Klopp.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan