Himilo – Adeegayaasha Caafimaadka dowladda Koofur Kuuriya ayaa xaqiijiyay seddaxdii kiis ee ugu horreeyay ee ah feyruska cusub. Dadka laga helay oo isku qoys ahaa ayaa waxaa todobaad kahor ay ka yimaadeen magaalada London.
Sida ay sheegtay dowladuna, mudadaasi waxaa lagu hayay karantiil, iyadoo natiijada tijaabadii caafimaad ee la mariyayna ay soo baxday. Waxaa la hakiyay dhammaan duulimaadyadii toos kaga imanayay Britain, inkasta oo wali socdaalku joogsan.
Dadka ka safra Britain ee gaaray Kuuriyadda Koofureed, ayaa mara baaris adag, waa la karantiilaa muddo toddobaad waxaana la mariyaa tijaabooyin caafimaad laba mar.
Feyruskan cusub oo markiisii horre lagu arkay UK, ayaa waxaa uu hadda ku fiday dhowr dal oo reer Yuruba sida Canada iyo Japan.