Home / Cayaaro / khadka dhexe ee Real Madrid oo muddo kordhin u sameeyay kooxda

khadka dhexe ee Real Madrid oo muddo kordhin u sameeyay kooxda

Himilo FM –Real Madrid ayaa aqbashay inay qandaraaska  u kordhiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Toni Kroos, sida ay ku dhawaaqday  kooxda reer Spain.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos ayaa saxiixay heshiis afar sanno ah oo uu kooxda kula sii joogayo.

Heshiiska cusub ayaa xiddiga Jarmalka ku sii haynaya Madrid illaa 30-ka June, 2023.

Kroos, oo 29 sanno jir ah, ayaa 233 kulan u saftay Real Madrid isaga oo dhaliyay 28 gool  La Liga ah iyo sideed Champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ku guulaystay Koobkii aduunka ee 2014 wuxuu kaga yimid  Real  kooxda Bayern Munich 2014-kii , waxaana uu ku guuleystay 11 koob mudadaas shanta  sanno ah.

Real oo xagaagan dhibaato la kulantay ayaa  seddex macallin oo kala duwan soo laylisay xilli ciyaareedkan, iyadoo Zinedine Zidane uu ku soo laabtay kooxda bishii March ka dib markii  muddo gaaban isu badaleen  Julen Lopetegui iyo Santiago Solari.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan