Khubaro: Walaaca xilliga uurka waxa uu dhibaato dambe u leeyahay caruurta

Himilo – Uurka waxa uu leeyahay walaac badan gaar ahaan marka koobaad ee hooyada, khubarada ayaa sheega inay muhiim tahay in walaaca layska ilaaliyo xilliga xaamilo-nimada.

Hooyin badan ayaa culeyska iyo walwal dareema inta ay ku guda jiraan bilaha dambe ee uurkooda sababo kala duwan sida geerida qof ku dhaw, dhaqaale xumo kala tagga lamaanaha.

Haddii hooyada markay uurka leedahay ama bilaha dambe ee dhalmadeeda ay wajahdo walaac waxaa suura gal ah in cunugaas uu la kulmo dhibaato noloshiisa dambe.

Dhibaatooyinka imaan kara ee ay khubarada ka digayaan ee caruurata la dersi kara waxaa ka mid ah dhibaato dhanka maskaxda ah iyo dabeecad xumo.

error: Copy lama Ogola Fadlan