Home / Cayaaro / Klopp: Milner waa xulashadeyda koowaad ee gool-ku-laadyada

Klopp: Milner waa xulashadeyda koowaad ee gool-ku-laadyada

Himilo – Jurgen Klopp, tababaraha Liverpool ayaa xaqiijiyay in James Milner uu noqonayo xiddiga koowaad ee kooxda u tuuri doona gool-ku-laadyada, halka dookha labaadna uu yahay Mohamed Salah, sida uu daabacay Gool.com.

Inkasta oo ruuxii loo arko uu tuuri karo gool-ku-laadka inta lagu jiro ciyaarta, haddana macallin Klopp waxa uu u arkay Milner mid kubaddii loo wakiishaba u rogi kara gool.

Milner oo ku dhaw inuu kasoo laabto dhaawacii uu ku maqnaa, ayaa u saftay Reds 82 kulan, isaga oo u dhaliyay 11 gool. Sideed ka mida goolashaasi waxey ahayeen rigoorooyin.

Doorashada tababare Klopp, ayaa sii xoojin kara warar ay baahinayaan warbaahinta Spain, kuwaas oo sheegaya in Mo Salah u dhaqaaqi doono horyaalka LaLiga.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan