Himilo- Koonfur Kuuriya ayaa go’aamisay in shaqaalaha ragga loo oggolaado fasax dhan 10 maalin oo la siinayo marka ay xaasaskooda dhalaan.
Sharcigan cusub oo wax-ka-beddal ku sameynaya fasaxa dhalmada ayaa dhaqan galaya laga billaabo bishan October sida laga soo wariyay maamulka Seoul.
Maamulka Koonfur Kuuriya ayaa doonaya in lamaanayaasha laga caawiyo isku-dheelitirka shaqada iyo nolosha qoyska oo u baahan fasaxyo muhiim ah sida kan dhalmada.
Ragga ku nool dalka dhaca Asia ayaa immika fursad u helaya fasax dhan 10 maalin oo ay lacag ku qaadanayaan halka horay loo fasaxi jiray muddo seddex maalin ah.
Wasaaradda shaqada Koonfur Kuuriya ayaa xustay in sidoo kale la dhimo saacadaha ay shaqeeyaan ragga waalidka u ah carruur da’dooda ka yartahay 8 sanno.
Wasiir ku-xigeenka shaqada dalka ayaa tilmaamay in
tallaabadan ay ku dhiira gelin doonto waalidiin badan oo rag ah inay qeyb ka
noqdaan barbaarinta ubadkooda.