Himilo – Kooxda PSG ayaa wadahadal la furtay daafaca naadiga Inter Milan ee Milan Skriniar si ay beddel uga dhigaan kabtankoodii hore Thiago Silva, kaasi oo ku biiray kooxda Chelsea, sida ay ku warameyso Calciomercato.
Daafaca ayaa sidoo kale lala xiriiriyay u dhaqaaqitaanka kooxaha Premier League ee Manchester United iyo Tottenham Hotspur.
Skriniar ayaa fasal ciyaareed loo riyaaqay la qaatay tababare Antonio Conte, 25-jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa 30 kulan u saftay naadiga Inter Milan horyaalka Serie A fasalkii tegay.