Himilo – Watford ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Claudio Ranieri ka dib seddex bilood iyo bar oo kaliya oo uu maamulayay kooxda.
Kooxda The Hornets ayaa guuldarro 3-0 ah garoonkeeda kala kulantay Norwich City habeenkii jimcaha, taas oo ka dhigan in ay ku jirto kaalinta 19-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.
Guuldaradan ayaa ahayd tii 8-aad ee Watford 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay tartamada oo dhan iyada oo kulanka kale bar-baro gashay halka ay badisay kaliya 3 kulan 20-kii kulan ee ugu dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa haatan eriday maamulaha Talyaaniga, wax ka yar afar bilood oo uu joogay. Ranieri ayaa noqonaya tababarihii 15-aad ee laga cayriyo qoyska Pozzo tan iyo markii ay la wareegeen maamulka kooxda Watford wax ka yar 10 sano ka hor.