Home / Aragtida Islamka / Xujeydii ugu horeeyay sanadkan ‘2024’ oo gaartay dalka Sacuudiga

Xujeydii ugu horeeyay sanadkan ‘2024’ oo gaartay dalka Sacuudiga

Himilo – Kooxdii ugu horeyse ee xujey ah oo ka kalasocota dalalka Pakistan, India iyo Bangladesh ayaa gaaray Boqortooyada Sacuudiga, si ay u gutaan waajibaadka Xajka sanadka 2024-ka.

283 kamid ah xujeyda gaartay sacuudiga waxay ka soo jeedaan India waxaana lagu soo dhaweeye Airoporta Mohamed bin Abdulaziz ee magaalada Madina

Halka kooxda ka socotay dalka Pakistan oo soo dhaweeye safiirka Pakistan ee boqortooyada Ahmad Farooq.  Dalka Pakistan waxaa lafilayaa in sanadkan ay ka soo xajiyaan 179,210 qof

Dalka Bangladesh, kooxdii ugu horeyse ee xujey ah 415 qof ah ayaa ka soo dagay Jeddah

Wasiirka arimaha gudaha ee boqortooyada Sacuudiga waxa uu sheegay sanadkan in waxbaran la fududeeye isusocodka xujeyda.

Magaalooyinka lafilayo inay xujeyda ka soo dagaan waxaa kamid ah Jeddah, Madinah, Riyadha, Dammam iyo Yanbu, soo dhaweynta dadkaa waxaa loodiyaariye 11,000 oo shaqaale ah.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan