Home / Habka-Nolosha / Kulankii ugu horeeyay oo kubad koley ah oo maanta si toos ah loo daawan doono

Kulankii ugu horeeyay oo kubad koley ah oo maanta si toos ah loo daawan doono

55Kulanka xiisaha badan ee dhaxmari doona kooxaha Heegan oo horyaalka kubadda koleyga daafacaneysa iyo I.L.S. ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyay oo si toos ah loo daawan doono.

Waa kulankii 45aad ee horyaalka Kubadda Koleyga, waana kulankii u danbeeyay oo qeybta koowaad ee horyaalka la dheeli doono.

Labada kooxood ayaa badiyay min siddeed kulan oo xagaagan ay dheeleen, kooxdii badisaana waxay u gudbi doontaa qeybta  labaad ee horyaalka iyadoo hogaanka heysa.

 

Kusimaha Xoghayah XSKK Cabdi cabdulle Axmed Baasaale ayaa  baahiyay in mid ka mid ah TV-yada madaxa banaan ee afka Soomaaliga ku hadlo laga daawan doono kulanka.

Waa marki ugu horeysay ee horyaalka Kubada Koleyga Soomaaliya si toos ah looga daawado meel ka baxsan gudaha garoonka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan